Qaramada Midoobay oo ka digtay halista colaadda Congo

0
182

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saraakiisha ugu sareysa Qaramada Midoobay ee Afrika ayaa ka digay in weerarka fallaagada ay Rwanda taageerto ee bariga Congo, uu khatar ku yahay nabadda guud ahaan gobolka.

Hadalkan ayay saraakiishu ka sheegeen, shir deg deg ahaa oo ay Arbacadi shalay arrintani ka yeesheen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bintou Keita oo ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Congo ayaa sheegtay, “in ay lagama maarmaan tahay in Golaha Ammaanku qaado tillaabooyin degdeg ah oo go’aan qaadasho ah si loo baajiyo dagaal ballaaran oo ka dhaca mandiqadda.

Huang Xia, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gobolka harooyinka waaweyn ee Afrika, oo ay ku jiraan Congo, Burundi, Rwanda iyo Uganda ayaa isna sheegay, in qabsashada magaalooyinka waaweyn ee bariga Kongo ee fallaagada M23 toddobaadyadii la soo dhaafay iyo bayaannada dhinacyada muhiimka ah ay muujinayaan, in khatarta colaadda ka holceysa gobolka ay maanta aad uga halisantahay sidii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here