Qaramada midoobay oo ka digtay isticmaalka barnaamijyada dowladaha ay ku basaasan muwaadiniintooda.

0
10

Baladweyne (Radio Beerlula)-Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digtay, korodhka ku yimi barnaamijyada dhinaca internetka ee ay dawladuhu iibsanayaan, si ay ugu basaasaan ama u jabsadaan telefoonada gacanta ee muwaadiniintooda, si ay u helaan macluumaadka shakhsiga ah ee ku kaydsan telefoonadaas.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo degdeg ah, si wax looga qabto, fiditaanka barnaamijyada dhinaca internetka ee wax lagu basaaso. Qaramada Midoobay ayaa xustay in ay dalal badani u isticmaalaan tiknoolojiyadda casriga ah si ay ula socdaan, u xakameeyaan, una cabudhiyaan shacabkooda.

Qaramada Midoobay ayaa ku doodaysa inay muhiim tahay in la joogo xilligii la soo saari lahaa, hab waafaqsan shuruucda caalamiga oo lagu maamulo tiknoolojiyadda casriga ah, si loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha.