Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay inay xaqiijiyaan xal waara oo laba dawladood ah” oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin ka hor shirka caalamiga ah ee la qabanayo bisha Juun.
“Waxaan ku boorrinayaa dalalka xubnaha ka ah inay ka gudbaan heshiiska, oo ay si hal-abuur leh uga fikiraan tillaabooyinka ay qaadi doonaan si loo gaaro xal macquul ah oo laba dowladood ah sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu Guterres u sheegay shirka Golaha Ammaanka.
Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa ka qeyb galaya kulanka ka dhacaya Qaramada Midoobay bisha Juun.
Qaramada Midoobay ayaa muddo dheer ku talinaysay in la helo xal laba dawladood ah oo wadaago xuduud isla markaana si nabad ah ku wada noolaadan.


