Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Suuriya ayaa sheegay in 16 milyan oo qof oo dalkaasi ku nool ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.
Gonzalo Vargas Llosa ayaa u sheegay barnaamijka Newsday’s World Service ee BBC in 800,000 oo Suuriyaan ah ay ku barakaceen dagaalladii ugu dambeeyay ee gobolka.
Intaa ka hor, toddobo milyan oo Suuriyaan ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, in ka badan shan milyanna ayaa u qaxay dalalka deriska ah iyo kuwa kale.
“Waxaa jirta xaalad baahi bini’aadantinimo oo aad u weyn, iyo barakac xoog leh,” ayuu yiri.
Llosa waxa uu xusay in hawlihii bini’aadannimo ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ee meelaha ay dhibaatadu saameysey sida Homs, Hama, iyo Dimishiq ay si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanayaan.