Qaramada midoobay oo sheegtay in sannadkii hore marinnada badda ee Yurub ay ku dhinteen saddex kun oo ruux.

0
242

Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 3,000 oo qaxooti ah, tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa ku dhintay marinnada Mediterranean-ka iyo badda Atlantic-ga sannadkii hore, iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga Adduunka Jimcihii.

Kumanaan Afrikaan ah ayaa sannad walba safarro dheer oo halis ah ku taga Yurub iyagoo inta badan kasii gudba Saxaraha, waxayna ka baxaan xeebaha woqooyiga Afrika iyagoo raacaya doomo yaryar oo macmal ah, waxaana dadkaasi ka cararayaan dhibaato, iyaga oo raadinaya nolol dhaanta tan ay ku sugan yihiin.

Sannadkii hore, UNHCR waxay sheegtay in 3,077 qof ay dhinteen ama la la’yahay, taas oo ku dhow labanlaab tirada 2020-ka.

Ilaa hadda sanadkan 2022, 553 oo qof ayaa lasoo wariyay inay dhinteen ama la la’yahay, iyaa oo intooda badan ku dhinteen marinka Bartamaha Mediterranean-ka, sida ay xogtani muujisay.