Qaramada Midoobay oo sheegtay in wali gargarka laga hortagan yahay waqooyiga Qasa

0
17

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee ka hawlgasha Qaza, ayaa sheegtay, in mas’uuliyiinta Israa’iil ay weli ka hortaagan yihiin in dawooyinka iyo cunnada la gaarsiiyo dadka ku go’adoonsan Waqooyiga magaalada Qasa.

Madaxa UNWRA,Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in la duqeeyay isbitaallo isla markaana korontadu ka maqantahay.

Muuqaal laga soo duubay Jabaliyya Isniintii kadib weerar ay Israa’iil ka fulisay halkaas, ayaa muujinaya mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka oo naxdin iyo argagax ka muqdo, oo dhex ordaysa dad rayid ah oo nafta ka baxaysa iyo kuwa kale oo lagu dilay iskuul ay leedahay Qaramada Midoobay.

Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa uu sheegay in ay waajib tahay in mar kast ala ilaaliyo nolosha dadka rayadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here