Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay soo kabasho la’aanta dhanka shaqada ee Afrika iyo Bariga Dhexe

0
106

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ee Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa la sheegay in ay ka maqnaan doonaan booska soo kabashada caalamiga ah ee heerarka shaqo la’aanta sanadkaan,sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Ururka Shaqaalaha dunida ee Qaramada Midoobay ILO.

Shaqo la’aanta ka jirta Waqooyiga Afrika iyo dalalka Carabta ayaa la saadaalinayaa inay noqon doonto 11.2 iyo 9.3 boqolkiiba sanadkaan ,taasoo ka sii dari karta heerarkii hore ee masiibada.

Shaqo la’aanta adduunka ayaa la filayaa inay hoos ugu dhacdo 5.3 boqolkiiba sanadkaan.
halka sanadihii 2022 iyo 2019 uu hoos u dhacu gaaray 5.4 boqolkiiba iyo 5.5 boqolkiiba, iyadoo suuqyada shaqadu ay ka soo kabanayaan naxdinta cudurkii COVID-19 .