Qaramada Midoobey oo ka digtay in dagaalka Suudaan uu sababi karo macluul tii ugu darnayd abid.

0
69

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dagaalka ka socda dalka Suudaan ayaa horseedi kara macaluul tii ugu darneyd ee dunida soo marta, haddii uusan dagaalka joogsan, sida ay ka digtay hay’adda cunnada adduunka ee WFP.

In ka badan 10 bilood oo uu socday dagaal u dhexeeyay Jenaraalada iska soo horjeeda ayaa sababay in ku dhawaad 14,000 oo qof ay naftooda ku waayaan, in ka badan sideed milyan oo qofna ay ka baxeen guryahoodii iyo dad aad u tiro badan oo dalka ku nool oo niyad jab iyo macaluul soo wajahday.

Iyadoo uu dagaalku socdo, qoysaska Suudaan waxay u qaxayaan dalalka deriska ah.

Qaar badan ayaa dhowr jeer barakacay. Waxay soo gaadhaan xerooyinka gaadiidka iyaga oo aan waxba haysan, gaajaysan oo u baahan gargaar.

Madaxa hay’adda WFP Cindy McCain oo booqatay xerada ku taalla dalka ay deriska yihiin ee Koonfurta Suudaan, ayaa sheegtay in dadkii ku dhintay dagaalka la iska illaaway.

Waxa uu sheegay in hay’adaha gargaarka la gaarsiiyo dadka ay soo food saartay xaalad degdeg ah oo gaajo ah oo ku xayiran deegaanada ay colaaduhu ka jiraan.