Qaramada Midoobey oo ku baaqday in xeryaha laga sii daayo muhaajiriinta ku sugan Libya.

0
302

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ha’yadda Qaramada Midoobey ee qaabilsan arrimaha qaxootiga iyo Ha’yadda socdaalka adduunka ee IOM ayaa waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta dalka Libya inay sii daayaan muhaajiriinta lagu xeryaha ku yaalla dalkaas.

Waxay ha’yadahan ka codsadeen Midowga Yurub inay dib u bilaabaan howlgal dhanka biyaha oo laga sameynayo badda Mediterranean-ka sii loo soo badbaadiyo muhaajiriinta naftooda ku biimeynayaa halkaas.

Waxay sidoo kale sheegeen in 5,600 muhaajiriin ah lagu hayo xeryahaas, “Waa in xeryaha laga sii daaya iyadoo la dhowrayo badqabkooda ama waa in dalalka loo qaada si dib u dejin ay uga helaan”

Bayaanka kasoo baxay UNHCR iyo IOM ayaa kusoo beegmayaa xilli horraantii bishan weerar lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen muhaajiriinta oo ku taalla duleedka magaalada Tripoli, halkaas oo ay ku dhinteen in kabadan 50 qof oo muhaajiriin ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here