Qatar iyo Hungary oo kala saxiixday heshiisyo istiraatiijiyadeed.

0
115

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dawladaha Qatar iyo Hungary ayaa sheegay inay inay sare u qaadayaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya, iyaga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka istiraatijiyadda ah.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay kadib markii booqasho rasmi ah uu ku tagay Budapest Amiirka Dawladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad.

Qodobada lagu heshiyay ayaa waxaa ka mid ah ilaalinta deegaanka, tababarrada dublamaasiyadda, is dhex galka Dhallinyarada.

Sidoo kale heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah iskaashiga dhinaca beeraha, waxaana saxiixa Heshiiskan goob joog ka ahaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim iyo Ra’iisul Wasaaraha Hungary Viktor Orban.