Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mareykanka ayaa u oggolaaday inay Qatar maalgeliso hay’adaha dawladda Suuriya oo ay ku jirto inay Qatar bixin doonto mushaaraadka shaqaalaha hay’adaha dawladda Suuriya oo la kordhiyay 400%.
Qofkii markii hore mushaar ahaan u qaadan jiray $100 , hadda uu qaadan doonaa mushaar $500 ah, tallaabadan oo la sheegay inay u suragelinayso dawladda uu hoggaamiyo Axmed Sharac.
Hogaamiyaha Suuriya Axmed Sharac ayaa wada dadaal lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo adeegga hay’adaha dawladda.
Dalka Suuriya oo muddo ku dhow 11 sano ay ka jirtay colaad galafatay nololsha dad badan ayaa la soo afjaray 8-dii bishii December ee sannadkii 2024-kii kadib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Suuriya Bishaar Al Asad.