Qaxootiga ka cararay Congo oo duruufo adag ku wajahaya Burundi

0
142

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xero ku meel gaar ah oo ku taalla degmada Rugombo ee gobolka Cibitoke, una dhow xudduudda Ruzizi ee u dhaxaysa Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa hadda waxaa ku nool ku dhawaad ​​20,000 oo qaxooti ah oo u badan haween iyo carruur kuwaasoo wajahaya xaalaado bini’aadanimo.

Mas’uuliyiinta Burundi ayaa sheegay in wax ka yar laba toddobaad gudahood ay dalkaas ku qaabileen 42,000 oo Qaxooti Congo u dhashay ah kuwaasoo kasoo cararay dagaallada ka socda gobolka Koonfurta Kivu.

Saraakiisha UNHCR ayaa sheegay in Burundi aysan lahayn awood ay ku maareyso qaxootiga, iyadoo kuwa qaxay aysan haysan cunto, hoy iyo adeegyada aasaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here