Qays Saciid oo ku guuleystay doorashadii Tunisia.

0
256

Baladweyne(Radio Beerlula)-Qays Saciid oo aqoonyahan islamarkana  siyaasadda ku cusub, ayaa guul aad u weyn ka gaaray doorashadii kala baxa ahayd ee Tunisia, isaga oo ka adkaaday maal-qabeenka warbaahinta, Nabiil Quray, sida ay muujineyso natiijo horudhac ah.

Saciid, oo si madax banaan u tartamay ayaa helay ugu yaraan 72.5% codadka, sida ay muujineyso natiijada horudhaca ah ee ay sii daysay shirkadda Emrhod, wuxuuna 40 dhibcood kaga adkaaday Quray.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Tunis, si ay ugu dabaal degaan guusha Saciid, ayaga oo heesayey astaanta qaranka.

Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here