Qeybta gar gaarka deg deg ah ee isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa

0
114

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Xassan Maxamed Cali (Gaafadhi) iyo wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa si wada jir ah xariga uga jaray qeybta gar gaarka deg deg ah ee isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Munaasabadda xariga looga jarayay qeybtan cusub ee gargaarka deg deg ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan maamulka Somaliland, dhaqaatiir, maamulka isbitaalka Hargeysa iyo marti sharaf kale.

Warbixintan waxaaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey