Qeybta la tacaalidda tacadiyadda loo geysto haweenka oo lagu soo kordhiyay isbitaalka Kismaayo.

0
137

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka jubaland cadar cabdullahi ismanciil iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka axmad maxamad axmed ayaa si wadajir Isbitaalka magaalada Kismaayo uga dhagax dhigay xarunta la tacaalidda tacadiyadda ee dumarka iyo caruurta.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka axmad maxamad axmed ayaa uga mahad celiyay wasaarada haweenka jubaland dhagax dhiga xaruntan loogu adeegi doono dumarka iyo caruurta loo geysto tacadiyada waxana uu sheegay in wasaarada haweenka jubaland ay qabatay howl ay baahi weyn u qabeen .

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.