Qeybta wicitaanada xarunta Qaran ee howlgallada gurmadka deg-dega ah ee SODMA oo xariga laga jaray.

0
92

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA maxamuud Macalin Abdulle, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ayaa si wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.

Xaruntaan ayaa loo aas-aasay isku xirka howllgalada gurmadka deg-dega ah, ka jawaabidda xaaladaha adag ay la kulmaan Bulshada Soomaaliyed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinahiib Aweys Isaaq.