Qeys Sacid oo guul ka sheegtay doorashadi ka dhacday Tunisia

0
33

Baladweyne ( Radio Beerlula)- Taageerayaasha madaxweynaha hadda xilka haya ee dalka Tunisia Qeys Saciid ayaa xalay ku dabaaldagay waddooyinka magaalada caasimadda ah, kaddib marki ay natiijooyin hordhac ah muujiyeen in uu ku guuleysanayo doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Axaddii shalay.

Saciid ayaa natiijada hordhaca ah ka helay in ka badan 89 boqolkiiba codadka ilaa iyo hadda la tiriyay.

Qeys ayaa doorashada kaga guuleystay laba murashax oo la tartameysay, kuwaas oo kala ah Zuheyr Magzawi oo ay mar xulafo wada ahaayeen balse isu baddalay mucaarad, iyo Cayaash Zaamel oo doorashada ka qeybgalay isaga oo xiran.

U soo bixisda codbixiyaasha ee doorashada ayaa aheyd 27.7%, taas oo aad uga yar doorashadi madaxtinimo ee sannadki 2019-kii

Natiijada rasmiga ah ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo caawa fiidkii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here