Bitcoin ayaa ka soo kabanaysa bilo badan oo ay hoos u dhac ku jirtay, waxa anay ay 30-kii maalmood ee ugu dambeeyey samaysay kor u kac dhan 14.69%.
bishii April ayuu gaadhay qiimaha Bitcoin $74,000. Bitcoin isagoo hada wakhtigan maraysa $97,161, kor u kacan ay samaysay ayaa loo aanaynayaa in maalgashadayaashu doorbidayaan inay lacagahooda galiyaan suuqa crypto-da.
Dadka maalgashaday ayaa soo saaray lacagihii ay hore ugu maalgashadeen suuqa saamiyada oo ay iska iibiyeen saamiyadii ay ku lahaayeen suuqyadaas, kuwaas oo baaxad dagaayey tan iyo markii Trump dagaalka ganacsi la galay Shiinaha.