Qiimaha Dahabka ee Calaamka oo kordhay.

0
203

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qiimaha halkii gram ee dahabka ayaa suuqyada caalamka ka maraya $112.5, kaddib sare u kac si wayn loo dareemey oo uu sameeyey tan iyo bishii March ee sannadkan.

Waxaana la rumeysan yahay inuu ka dhashay uruursi ka sareeya filashadii hore oo ay samaynayaan dawladaha iyo maalqabeennada, kuwaas oo u arka in kaydsiga dahabku yahay mid aamin ah xilligan ay caalamka ka jiraan qalalaasyo dhaqaale iyo khataro dagaal oo horseedi kara burbur dhaqaale oo weyn.

Dalka Shiinaha ayaa tusaale u ah dalalka sida xooggan u kordhinaya kaydka dahabka iyadoo kaydkiisa dahabka uu gaadhay 2,292 tan.

Bishii March oo kaliya, Shiinuhu wuxuu urursaday 5 tan oo dahab ah.

Joogtaynta iibsiga dahabka ee bangiyada dhexe ee Aasiya ayaa sare u kac badan laga dareemayaa, kuwaas oo hadda la sheegay in ay iibsadaan celcelis ahaan 80 tan oo dahab ah bishii taas oo ka badan saadaashii hore ee ahayd 70 tan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here