Qiimaha Dahabka oo cirka isku shareeray.

0
155

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qiimaha dahabka ayaa haatan gaadhay heerkii ugu sarreeyay taariikhdiisa isaga oo halka ounce uu gaadhay $3,565 dollar.

Qimaha halka gram ee dahabka ayaa isna gaadhay $115 dollar.

Korodhkan ayaa lagu sababeeyey dalab ka xoog badan sidii la filayay oo ka imanaya bangiyada dhexe ee dalalka, gaar ahaan kuwa Aasiya, kuwaas oo hadda la sheegay in ay iibsadaan celcelis ahaan 80 tan oo dahab ah bil kasta, taas oo ka badan 70 tan oo horay loo saadaaliyay.

Tani waxa ay ifafaalo u tahay in bangiyadaasi ay si joogto ah u urruursanayaan dahab badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here