Baladweyne (Radio Beerlula)-Qiimaha lacagta Shiinaha ee Yuan-ka ayaa gaadhey heerkii ugu hooseeyey muddo 18 sano ah, taas oo ka dhigan in dhaqaalaha Shiinaha uu wajahayo culaysyo dhaqaale oo sii kordhaya.
Ganacsatada Shiinaha ee ka ganacsada mareegta Amazon ayaa qaadanaaya go’aan adag, qaar waxay sare u qaadayaan qiimaha alaabtooda halka qaar kalena ay qorsheynayaan inay gabi ahaanba ka baxaan suuqa Mareykanka.
Sababta ugu weyn ayaa ah cashuuraha cusub ee lagu soo rogay badeecooyinka Shiinaha oo sare u kacay.
Shiinaha iyo Mareykanka ayaa mid kasta badeecadaha dalkiisa soo galaya islamarkana ay is dhaafsanayan labada ku soo rogay canshuuro dheeraad ah taasoo sameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ganacsiga labada dal iyo guud ahaan caalamka.


