Baladweyne (Radio Beerlula)- Qiimaha shidaalka caalamka ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyay hoos ugu dhacay, iyadoo la diiwaangeliyay hoos-u-dhac dhan 13%.
Qiimaha halkii foosto ee shidaalka Ceydhiin ayaa hadda noqday $62, halka uu hore uga ahaa $72. Hoos-u-dhacaasi wuxuu u dhigmayaa $10 doolar, taasoo ah farqi weyn oo saameyn kara qiimaha shidaalka la isticmaalo.
Sidoo kale, halkii litir ee shidaalka sifaysan (Patrol-ka ama Naafta-da) ayaa haatan lagu iibinayaa qiime dhan $0.45 doolar suuqyada caalamka.