Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Chelsea vs Man City

0
77

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Ciyaartii ugu xamaasadda iyo xiisaha badnayd horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xilli-ciyaareedkan ayaa maanta ka dhacday garoonka Stamford Bridge, waxaana barbarro 4-4 ah dhibcaha ku qaybsaday Chelsea iyo Manchester City.

Labada kooxood ayaa dhaliyey min saddex gool oo toos ah iyo min hal rikoodhe, waxaana dabbaal-degga iyo qosolka ku dambaysay Chelsea oo waqtigii dheeraadka ahaa keentay goolka barbarraha.

Manchester City ayaa uu Erling Haaland hoggaanka u dhiibay 25aad oo loo dhigay rikoodhe markii uu Cucurella qabsaday isaga oo ku jira xerada ganaaxa, waxaana uu u beddelay gool isaga oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Sanchez, balse waxa u jawaabay Thiago Silva, ka hor intii aanu Raheem Sterling gool labaad u keenin Blues.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore ayay Manchester City keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Akanji, halka Erling Haaland uu hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii labaad ee qaybta labaad. Chelsea ayaa gool keentay, balse Man City ayaa haddana hoggaanka uu usoo celiyey Thiago Silva oo darbad uu soo tuuray Rodri ku leexiyey goolkiisa, halka Broja uu rikoodhaha barbarraha u keenay waqtigii dheeraadka ee ciyaarta, iyadoo uu gool u beddelay Cole Palmer.

Shantii rikoodh ee la diiwaangeliyey

  • 882 ciyaarood oo uu tababare ahaa Pep Guardiola, waa markii ugu horreysay ee ay kooxdiisu afar gool dhaliso, afar goolna laga dhaliyo. Waligeed ma dhicin iyadoo afar gool ay dhalisay koox uu laylinayo, haddana afar ama ka badan laga dhaliyey. Waa taariikh cusub.
  • Ciyaartan ayaa noqotay middii shanaad ee taariikhda Premier League goolashii ugu badnaa la kala dhaliyey ee haddana barbarro ku dhamaatay. Afar ciyaarood oo hore ayaa taariikhda Premier League kusoo dhamaaday barbarro 4-4 ah, waxaanay ahaayeen Everton v Leeds in October 1999, Charlton v West Ham in November 2001, Tottenham v Reading in December 2007, and Liverpool v Arsenal in April 2009. Ma jirto ciyaar kale oo goolal intan le’eg la kala dhaliyey oo barbarro noqotay.
  • Waxay ahayd ciyaartii ugu horreysay ee Chelsea ay dhaliso 4 gool ama ka badan ee haddana laga dhaliyey afar gool ama ka badan tan iyo March 2008, waqtigaas oo ay Tottenham ku kala baxeen 4-4.
  • Rodri waxa uu dhaliyey goolkiisii saddexaad ee Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana uu jabiyey rikoodhkiisii ugu fiicnaa abid ee xilli-ciyaareed gudihii uu goolal ka dhaliyo Premier League, isaga oo xilli-ciyaareedkiisii ugu badnaa dhaliyey 2 gool.
  • Difaaca Chelsea ee Thiago Silva ayaa noqday ciyaartoygii afraad ee ugu da’da weynaa ee goolal ka dhaliya horyaalka Premier League. 39 jirkan ayaa barbarreeyey rikoodhka da’da gool-dhalinta Premier League ee Teddy Sheringham, Dean Windass, iyo Ryan Giggs oo iyagoo min 39 jir ah goolal ka dhaliyey horyaalkan.

Xiddigii garoonka ee la isku qabsaday

Cole Palmer ayay warbaahinta Ingiriiska gaar ahaan telefishanka Sky Sports ee lahaa xuquuqda baahintu uu siiyey xiddiga garoonka, laakiin Premier League ayaa waxa uu abaal-marinta laacibka ciyaarta siiyey weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland.

Premier League oo sharraxay sababta uu Haaland u siiyey xiddiga ciyaarta, ayaa waxa uu sheegay inuu laba gool dhaliyey, mid kalena caawiyey taasina ka dhigan tahay inuu saddex ka mid ah goolasha kooxdiisa uu qayb ku lahaa.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Chelsea: Sanchez (7), James (8), Disasi (6), Silva (7), Cucurella (5), Fernandez (7), Caicedo (7), Gallagher (8), Sterling (8), Palmer (8), Jackson (8).

Beddelka: Mudryk (6), Gusto (6), Broja (7), Ugochukwu (n/a).

Man City: Ederson (7), Walker (6), Akanji (7), Dias (5), Gvardiol (5), Rodri (8), Bernardo (6), Doku (6), Foden (8), Alvarez (7), Haaland (8).

Beddelka: Grealish (6), Kovacic (6).