Qiimeynta 32da Kooxood Ee Champions League & Fursadaha Ay U Heystaan Ku Guuleysiga Koobka

0
118

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Isku aadka wareega group-yada Champions League ayaa la xaqiijiyay waxaana ka soo baxay kulamo badan oo xiiso badan.

Newcastle oo markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2002/03 ka ciyaareysa Champions League ayaa lagu dhex tuuray group-ka geerida oo ay ku jiran PSG, AC Milan iyo Borussia Dortmund.

Arsenal ayaa ku faraxsan group-kooda iyagoo ku soo aaday Sevilla, PSV iyo Lens halka Manchester United iyo Bayern Munich ay qoorta isagu jiraan waxaana group-kooda ku wehliya Galatasary iyo FC Copenhagen.

Manchester City ayaa group-ka ugu sahlan gashay iyagoo la ciyaaraya RB Leipzig, Red Star Belgrade iyo Yoiung Broys.

Durbaba waxaa diirada la saarayaa kooxaha loo arko inay ku guuleysan karaan Champions League xilli ciyaareedkan, sidaasi darteed waxaa qiimeyn lagu sameeyay dhamaan 32kooxood ee ka qeyb galaya koobka.

Kooxda ugu fursada yar ee kaalinta 32aad ilaa kooxda fursada ugu badan u heysata inay ku guuleysato ee kaalinta 1aad.

Manchester City ayaa loo arkaa inay tahay ugu cadcad ah inay ku guuleysato Champions League oo ay difaacaneyso xilli ciyaareedkan, kooxda labaad ee ugu cadcad inay koobka qaado waa Bayern Munich halka boqorada Champions League ee Real Madrid ay yihiin kooxda 3aad ee loo saadaalinayo koobka halka Arsenal oo muddo dheer ka dib ku soo laabatay tartanka ay yihiin kooxda afaraad ee koobka loo saadaalinayo.

32 – Royal Antwerp

31 – Young Boys

30 – RC Lens

29 – Union Berlin

28 – FC Copenhagen

27 – Celtic

26 – Red Star Belgrade

25 – Braga

24 – Galatasaray

23 – Real Sociedad

22 – PSV Eindhoven

21 – RB Salzburg

20 – Shakhtar Donetsk

19 – Newcastle United

18 – RB Leipzig

17 – Porto

16 – Feyenoord

15 – Sevilla

14 – Lazio

13 – Benfica

12 – Borussia Dortmund

11 – Inter Milan

10 – Atletico Madrid

9 – AC Milan

8 – Napoli

7 – Manchester United

6 – PSG

5 – Barcelona

4 – Arsenal

3 – Real Madrid

2 – Bayern Munich

1 – Manchester City