Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Chelsea Barbaraha Niyadjabka Leh Kala Kulantay Sheff United – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

0
444

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababare Frank Lampard ayaa magacaabay shaxdii ugu da’da yareyd kooxda ee Premier League, iyadoo celcelis ahaan ay da’dooda aheyd 24 sannadood.

Wax cusub ayay aheyd in la arko Chelsea oo ay ka buuxaan ciyaartoy da’ yar oo mustaqbal leh waxaana y u muuqdeen kuwa guusha hananaya markii uu labo gool hogaanka ugu dhiibay da’ yarka Tammy Abraham.

Laakiin Sheffield United ayaa ku soo laabatay ciyaarta qeybtii labaad iyadoo Robinson uu gool u soo celiyay bilowgii qeybta labaad ka hor inta uusan Robinson ku qasbin daafaca Kurt Zouma inuu shabaqa iska soo taabto.

XIDDIGA GAROONKA

Tammy Abraham (Chelsea): Waxaa la marayaa maalmihii ugu horeeyay ee waayihiisa ciyaareed ee Chelsea laakiin Tammy Abraham waxa uu noqonayaa xiddig ka dhex muuqda Premier League. Isagoo seegay rigoore iyo fursado fiican kulamadii ugu horeeyay xilli ciyaareedka, Abraham ayaa ka soo kabsaday isagoo afar gool dhaliyay labadii kulan ee ugu danbeysay.

Tammy Abraham waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Ingariis ah ee u ciyaara Chelsea ee ugu yaraan labo gool dhaliyay labo kulan oo isku xigta horyaalka Premier League tan iyo markii uu Frank Lampard sidaasi sameeyay bishii Janaayo 2010.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Chelsea: Arrizabalaga 6, Azpilicueta 7, Tomori 6, Zouma 5, Emerson 6, Jorginho 7, Kovacic 6, Pulisic 6, Mount 7, Barkley 6, Abraham 8.

Keyd: Willian 5, Batshuayi N/A, Gilmour N/A.

Sheffield United: Henderson 6, Basham 7, Egan 5, O’Connell 5, Baldock 7, Lundstram 6, Norwood 7, Freeman 6, Stevens 7, McBurnie 5, Robinson 7.

Keyd: Mousset N/A, Osborn N/A,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here