QM oo dhinacyada ku dagaallamaya Bariga Dhexe ugu baaqday in ay joojiyaan xabadda

0
261

Baladweyne(Radio Beerlula)- Qaramada Midoobay ayaa ku boorrisay dhinacyada isku haya Bariga Dhexe in ay joojiyaan dagaalka, islamarakana ay u soo jeystaan dagaalka lagula jiro xanuunka dunida gilgilay ee COVID-19.

Ergooyinka Qaramada Midoobay u fadhiya dalalka Siiriya, Ciraaq, Yemen, Lubaan,Falastiin iyo Israā€™iil ayaa si wada jir ah bayaan ay u soo saareen ugu baaqay joojinta dagaalka gaarka ah oo ay u soo jeystaan dagaalka dunida u dhantahay ee lagu wajahayo Korona feyras.

ā€œDagaalka adag ee lagula jiro feyraska Korona waa mid ay tahay in loo midoobo si looga adkaadoā€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Bariga dhexe ayaa waxaa ka taagan colaad daba dheeraatay oo in ka badan 10 sano ka jirta inta badan dalal ku yaalla Bariga Dhexe, kaas oo soo billowday xoogiisa guga carabta xilligii loogu magac daray ee 2011

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here