QM oo Fureysa Sanduuq Dhaqaale Ku Taageera Dalalka ay sameeyeen Isbeddelka Cimillada

0
120

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wufuudda ka qeybgaleysay shirka cimillada Adduunka ee CUP 27 ee dalka Masar ayaa isku afgartay in la abuuro sanduuq caawiya dalalka soo koraya ee ay saameyeen isbeddelka cimillada adduunka.

Inkastoo Sanduuqani aanay haatan wax dhaqaale ahi ku jirin balse waxa uu qorshuhu yahay in kaalmo dhaqaale loogu uruuriyo deegaannada saamaynta ba’an ay u geysteen isbeddelka cimillada.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu tilmaan u yahay qorshe siyaasadeed loo baahnaa balse aanu ku filleyn baahida taagan.

Shirkii COP 26 ee ka dhacay Galascow ayay dalalkii ka qeybgalay isku raaceen in si tartiib tartiib ah loo yareeyo adeegsiga dhuxul dhagaxa taa oo qeyb ka ah isbeddelka cimillada dunida.

Aqoonyahannada ku xeel-dheer cimillada ayaa sheegay in sare u kaca heer kulka dunida ee sii kordhaya ay malaayiin qof saamayn doonaan.