Baladweyne ( Radio Beerlula )- Boqollaal kun oo qof ayaa si tartiib ah ugu wajahaya macaluul xeryaha qaxootiga ee Kenya, ka dib markii Maraykanku uu jaray maalgalinta, taasi oo hoos u dhigtay qaybinta cuntada oo gaartay heerkeedii ugu hoosaysay, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.
Saamaynta ayaa si cad uga muuqata isbitaallada ku yaalla xerada qaxootiga Kakuma ee dhacada Waqooyi Galbeed ee dalk kenya.
Waxa ay hooy u tahay 300,000 oo qaxooti ah oo ka soo qaxay colaadaha ka jira wadamo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe.
Carruur tabar darran ayaa buux dhaafiyay 30-ka sariirood ee isbitaalka Amusait, iyaga oo indho tabar daran ku eegaya dadka soo booqda markii laga daweynayo nafaqo-xumada aadka u daran.
Rajada laga qabo in dhaqaale dheeraad ah la helona ma ahan mid rajo leh, haddii aysan arrimuhu is beddelin labada bilood ee soo socota.