QM oo ku baaqday in la barbar istaago Afrika inta uu socdo xanuunka COVID19

0
221

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa ka digay in malaayiin Afrikaan ah ay qarka u saaranyihiin caydhnimo aad u daran oo soo wajahda, taa oo ku lammaansan xanuunka COVID19 isla markaana ay waajib tahay gargaar heer calami ah lala barbar istaago qaaradda.

War qoraal ah oo uu ku lifaaqay warbixin Qaramada Midoobay ay ka diyaarisay qaaradda Afrika ayuu xoghayuhu ku sheegay in xanuunka COVID19 uu curyaamiyay horumarkii ay qaaraddu ku haminaysay, taa badalkeedana uu horseeday macaluul, cudurro, nafaqo darro iyo habacsanaan dhan walba ah.

Afrika ayuu sheegay in si masuuliyadi ku jirto ay u wajahday xanuunka sidii la filayay khasaaruhuna uu aad uga yaryahay.

Guterres ayaa ku baaqay in ay lagama maarmaan tahay in Afrika ay si siman iyo qiimo jaban ku hesho tallaalka xanuunka Korona ee la filayo in uu soo baxo maadama qaaraddu ka mid tahay hantida caalamig ah.

Xanuunka ayuu masuulkani tilmaamay in wali uu qaaradda ku cusubyahay suuragalna ay tahay in uu ku laba lixaadsado.

Beesha caalamaka ayuu xoghayuhu ugu baaqay in qaaradda Afrika laga kaalmeeyo waaxaha caafimaadka iyo cunnada isaga oo sidoo kale ku baaqay in la helo ilaa 200 oo bilyan oo dollar oo lagu kabo nolosha qoysaska Afrikaanka ah iyo waliba in la hakiyo bixinta deymaha ee qaaradda.

Ugu dambayn isbarbartaag caalami ah oo Afrika loo fidiyaa ayuu sheegay in ay tahay biyo kama dhibcaan hiilo u noqon karta in xanuunka COVID19 laga tirtiro qaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here