QM oo Sheegtay In Xabaalo Wadareedyo Laga Helay Gobolka Darfur

0
173

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Howlagalka Qaramada Midoobay ee Suudaan ayaa sheegay in ay heleen warbixinno lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in gobolka Darfur gaar ahaan magaalada El-Geneina iyo hareereheeda laga helay 13 xabaalo wadareedyo ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xabaalo wadareedyadaasi ay ka dhasheen weerarro xoogagga RSF-ta iyo maleeshiyaad carbeed ay ku qaadeen dad rayid ah.

Dadka dhibaatadaasi ku dhacday ayaa la sheegay in badankood isir ahaan ay ka soo jeedaan Masalit. Qabiilka Masalit ayaa kal hore sheegay in xoogagga RSF-tu doonayaan in ay qabsadaan deegaanka El-Geneina maadama deegaanku yahay istiraatiiji hodan ku ah dahabka iyo Yuraaniyamta isla markaana uu isku xiro dalalka Chad, Libya iyo Afrikada Dhexe.

Warbixinnada ayaa sheegaya in Xoogagga RSF-ta iyo maleeshiyaadka carbeed ay bishii June weerar ku qaadeen magaalada iyaga oo halkaa ku dilay in kabadan shank un oo qof kuna dhaawacay siddeed kun oo kale.