Baladweyne (Radio Beerlula)-Qooley nooca loo yaqaanno Xamaam oo lagu xiray Hindiya iyadoo looga shakiyay inay tahay basaas Shiinees ah ayaa ugu dambeyntii awooday inuu dib u duusho oo la sii daayay.
Siddeed bilood ayay ku xirneyd qooleydan isbitaalka xayawaanada ee dalka Hindiya.
Qooleydan ayaa waxaa lugaha ugu qornaa qoraallo u muuqday in lagu qoray luuqadda Shiinaha taas oo dhalisay cabsi ah inay tahay basaas shiinees ah.
Qoleyda iyo shimbiraha kale ayaa inta badan loo adeegsada howlaha basaaska dunida.