Qorshaha UK ee muhaajiriinta lagu gaynayo Rwanda oo la ansixiyey

0
158

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisal Wasaaraha Britain ayaa ku guuleystay codeyn loo qaaday qorshaha sharciga Rwanda ee qaxoontiga kasoo gudba badda u dhaxaysa Faransiiska iyo Britain lagu geyn lahaa dalkaasi.

Inkasta oo uu xalay Ra’iisal Wasaare Rishi Sunaak helay codkii uu ku doonayey ansixinta sharciga cusub, haddana wali ma dhammaan in uu sharcigani hir-galo.

Tallaabadan ayaa muujineysa inuu sii kordhayo dadaalka ay London ku dooneyso inuu hirgalo qorshaha dowladda ee dadka magangalyo doonka lagu geynayo Rwanda.

Dowladda UK ayaa dhawaan dowladda dalka Rwanda siisay lacag kale oo dheeri ah oo dhan 100 millian oo giniga Ingiriiska ah, taasi oo la xiriirta qorshaha dadka magan-galyada ka dalbada Britain, gaar ahaan kuwa kasoo gudba badda u dhaxaysa UK iyo Faransiiska lagu geynayo dalkaas.