Qorshe dib loogu habeynayo qaramada midoobay oo dhawaan la bilaabi doono.

0
50

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay inuu bilaabayo dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameynayo hay’addan caalamiga ah si kor loogu qaado waxtarkeeda loona dhimo kharashyada, xilli ay la tacaalayso xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.

Wuxuu sheegay in hindisahan – oo loo bixiyay UN80, maadaama Qaramada Midoobay sanadkan u dabaaldegayso sannad-guuradeeda 80-aad – uu doonayo inuu ballaariyo, isla markaana uu dardargeliyo dib-u-habayn tii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2017, si ay hay’addu u noqoto mid waxtarkeeda kordhisa isla markaana kharashkeeda yaraata.

Xoghayaha Guud ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan inta lacag ah ee qorshihiisu badbaadin karo ama inta shaqo ee la dhimi karo, balse wuxuu xusay inuu si degdeg ah u bilaabi doono, gaar ahaan meelaha uu awoodda u leeyahay, halka arrimaha kale ee u baahan go’aan ka gaaris uu u gudbin doono 193-ka dal ee xubnaha ah si ay u eegaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here