Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa halis ugu jirta inay weydo bartilmaameedkii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda bisha January ee tababare Mikel Arteta, sababtoo ah waxa go’aan adag gaadhay Brentford oo uu tababaraheeda Thomas Frank u sheegay in uu doonayo inuu sii haysto Ivan Toney.
Weeraryahanka reer England oo bisha January kasoo laabanaya ganaax siddeed bilood laga saaray ciyaaraha kaddib markii lagu helay inuu ku kacay khamaar, ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay Arsenal.
Brentford oo guul-darro 4-1 ah kala kulantay Wolves Arbacadii, ayaa waxay u ahayd khasaarihii lixaad ee toddoba ciyaarood gudahood soo gaadha, waxaana ay halis ugu jiraan inay sagxadda u dhacaan haddii aanay dib isku dhisin.
Ivan Toney oo xilli-ciyaareedkii 2022-23 u dhaliyey Brentford 20 gool, ayaa waxa ganaaxu uu ka dhamaanayaa 27ka January, waxaana tababare Thomas Frank uu uga dhaartay kooxdiisa in la iibiyo laacibkan maadaama ay kooxdiisu halis ku jirto.