Baladweyne (Radio Beerlula)- In ka badan saddex kun oo qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq hilib ah oo laga qeybiyay degmooyinka Cadaado iyo Godinlabe ee gobolka Galgaduud.
Deeqdan hilibka udxiyadda ayaa waxaa qeybiyay ururka Samakaab kaasoo sannnadkii 10-aad howshan wada isagoo garab ka helaya hay’addaha samafalka ee dalka Turkiga.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.


