Qoysas danyar ah oo deeq raashin ah loogu qeybiyay magaalada Baladweyne.

0
161

Baladweyne (Radio Beerlula)- In ka badan 50 qoys oo danyar ah oo ku nool Magaalada Baladweyne ayaa ka faa’ideystay deeq raashin ah oo loogu talo galay inay ku sooman bishan Barakeysan ee Ramadaan.

Deeq raashin ah oo ka kooban bur, bariis, sokor, saliid iyo timir ayaa waxaa bixiyay Senator Xassan idow Muxumed ( Kobac) oo ka tirsan xildhibannada aqalka sare islamarkana laga soo doortay gobolka Hiiraan.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.