Baladweyne ( Radio Beerlula )-Deeqdan isugu jirtay raashiin,dhar iyo maacuun kana timid xarunta gargaarka iyo hoowlaha bini aadanimo ee Boqor salmaan isla markaana loo wakiishay Hay’adaha Tadamun iyo SoDMA ayaa la gaarsiiyay 564 Qoysas oo Danyar ah kuwaasi oo ku nool degmada deyniile ee gobolka Banaadir
Qoysas loo qeeybiyay deeqdan ayaa waxaa saameeyay daadadka ka dhashay roobabkii ka da-ay magaalada Muqdisho.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim


