Qoysas danyar ah oo ku nool deegaanka Biyo cadde ee gobolka shabeelle dhexe oo loo qeybiyay deeq raashiin ah.

0
192

Baladweyne(Radio Beerlula)-In ka badan 1000 qoys oo ku nool deegaanka Biyo cadde ee gobolka shabeelle dhexe islamarkana ay sameysay abaarta ayaa ka faa’ideystay deeq raashin ah oo iskugu jirta bur, bariis, sokor, saliid iyo caano taasoo ka timid dowladda Qatar.

Qeybinta deeqdan raashinka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulka deegaanka Biyo Cadde, iyo odayaal dhaqameed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya  Maxamed Cabdi Saneey.