Qoysas danyar oo ku nool duleedka magaalada Dhuusa-mareeb oo Codsaday in gurmad lala soo gaaro.

0
100

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qoysaskan oo ah kuwa danyar ah kuwaasi oo ku nool duleedka magaalada Dhuuse-mareeb ayaa waxaa soo food sartay xalad dhanka nolosha ah oo ay kamid yihiin hooy la-aan, biyo yari,caafimaad daro iyo raashiin la-aan.

Dadkan danyarta ah ayaa isugu jira haween, Odoyaal, iyo Caruur islamarkaana ka yimid tuulooyinka hoosyimaada magaalada Dhuuse-mareeb kuwaas oo ay saameyn ku yeelatay abaaraha kajira dalka iyada oo ay ka baani,isay Xoolihii ay noloshooda ku tiirsaneed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.