Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Cammuud Foundation ayaa deeq Raashin ah gaarsiisay in kabadan 700 oo qoys islamarkaana kunool magaalada Gabiley ee maamulka Soomaaliland taasi oo loogu talo galay inay ku afuraan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Deeqadaan Raashinka ah ayaa ka koobneed Bur, Bariis ,Sonkor iyo Saliid.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.


