Qoysas ka barakacay fatahaada wabiga shabeele oo lagaarsiiyay deeq raashiin ah.

0
230

Baladwayne (Radio Beerlula )-Ciidanka Djibouti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa deegaanka Celjaalle ee duuleedka magaalada Baladweyne ugu qeybiyey deeq iskugu jirta biyo , marakaneeco , buskud iyo baco shacabkii ka barkacay fataahadda Beledweyne.

Madasha lagu qeybinayey deeqdaan ayaa waxa goob joog ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin (sufurow) iyo Taliyaha Hiilwalaal 9 ee Ciidanka Djibouti GORNEL Xumud Axmed Maxamed.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.