Baladweyne ( Radio Beerlula )-Duruufo dhanka nolosha ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku heysta qoysaskan u badan haween iyo caruur islamarkana ka soo barakacay coladda ka jirta qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan sida degmada Maxaas iyo deegannada hoos taga.
Qoysaskan oo si kadis ah uga soo hamaay guryahooda islamarkana aan wadan maacuun, dhar, iyo hoy ayaa xiligan wajahaya xaalado nololeed kuwaasoo aan wali helin gurmad deg deg ah.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey


