Quraanjada oo la ogaaday in kansarka lagu baari karayo

0
210

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida laga soo xigtay cilmi-baadhis cusub oo la sameeyay, Qudhaanjada ayaa loo isticmaali karaa in lagu ogaado kansarka ku dhaca bini’aadamka, taas oo ay ugu wacan tahay habka ursashada qudhaajanada oo xasaasi ah.

Saynis yahanadu waxay go’aamiyeen markii ugu horreysay marxaladan in qudhaanjadu ay ogaan karto kansarka iyadoo lagu tijaabiyey jiir qaba xanuunka kansarka.

“Waxa qudhaanjada lagu tababari karaa in ay kansarka ka ogaato kaadida jiirka toban daqiiqo gudahood,” ayuu yidhi Baptiste Piqueret, oo ah hormuudka daraasadda.

Piqueret wuxuu bilaabay cilmi baaristiisa 2017-kii waxaana u suurta gashay inuu tababaro quraanjada si ay u kala soocaan unugyada caafimaadka qaba iyo unugyada kansarka ee lagu sameeyay shaybaarka dhexdiisa.