Rag garaacis nafta kaga qaaday nin Muslim ah oo xukun lagu riday.

0
120

Baladweyne (Radio Beerlula)- Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay 10 nin oo loo heynsto inay afar snao kahor garaacis nafta kaga qaadeen nin Muslim ah.

Tabrez Ansari, oo 24 jir ahaa, ayaa dhintay maalmo kaddib markii ay weerar ku qaadeen dad ku eedeynaya inuu mooto ka soo xaday gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Jharkhand.

Muuqaal muujinaya Ansari oo lagu qasbayo inuu ammaano sanamyada Hinduuda xilli uu ku baryootamayo in la badbaadiyo ayaa lagu soo wadaagay baraha bulshada.

Qoyskiisa ayaa sheegay in booliisku ay u diideen in laga dhayo dhaawacyada.
Boliiska ayaa beeniyay arrintaas.

Muuqaalkan oo la arkay 19 June 2019 ayaa muujinayay Ansari oo naxsan oo lagu xirxiray baallaha korontada ayna garaacayaan koox rag ah, isagoo dhiig iyo illin ay ka qubanayaan wejigiisa.