Rag hubeysan oo 100 qof ku dilay dalka Mali.

0
271

Baladweyne(Radio Beerlula)-In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taallo bartamaha dalka Mali, kaddib marki ay weerar soo qaadeen rag hubeysnaa oo xirnaa dharka ay dhaqan ahaan xirtaan dadka ugaadhsada ee ku nool deegaanka Mopti.

Ragga hubeysan inta ay weerarka geysan ka hor waxay isku hareeyeen tuulada iyaga markaa kaddib guri kasta galay oo laayey dadki ku ku noolaa tuulada Mopti ee dalka Mali.

Danjirayaasha qaramada midoobay ee ku sugan dalka Mali ayaa marar badan ka digay colaadaha beelaha u dhexeeya ee sii badanaya iyo dhibaatooyinka kooxaha jihaad doonka ay sameeyaan.

Dadka la laayey waxaa loo adeegsado qoryo iyo baangado ay dableeyda dadka ku googooynayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here