Rag lagu eedeeyay qulqulatooyinkii UK oo xukun lagu riday.

0
56

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa xukun ku riday saddex nin oo lagu eedeeyay qulqulatooyinkii rabshadaha watay intii ay socdeen abaabullaadi ka dhanka ahaa dadka soogalootiga ah ee ka dhacay waqooyiga England todobaadkii hore.

Raggan ayaa dhammaantood qirtay dambiga, waxaana lagu xukumay saddex sano, soddon bilood iyo labaatan bilood siday u kala horreeyaan.

Ku dhawaad ​​afar boqol oo qof ayaa la xidhay ka dib maalmo ay socdeen qulqulatooyin rabshado wata oo ka dhashay weerar tooreey oo ka dhacay waqooyiga magaalada Southport oo lagu dilay saddex gabdhood oo da’yar ah.

Kumanaan booliis ah oo dheeraad ah ayaa heegan la geliyey guud ahaan Britain, kuwaas oo diyaar u ah inay wax ka qabtaan rabshado kasta oo suurtagal ah.