Ra’iisal wasaaraha cusub Faransiiska oo la magacaabay.

0
45

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa u magacaabay hogaamiyaha dhexe François Bayrou inuu noqdo ra’iisul wasaaraha xiga ee Faransiiska, si loo soo afjaro qalalaasaha siyaasadeed ee bilihii lasoo dhaafay.

Bayrou, oo ah 73-jir islamarkana hoggaamiya xisbiga MoDem, ayaa sheegay in qof walba uu garwaaqsaday culeyska ay leedahay howsha hortaalla: “Waxaan qabaa in dib u heshiisiin ay lagama maarmaan tahay.”

Macron ayaa u arka Ra’iisulwasaaraha cusub Bayrou inuu yahay musharax la isku raacsan yahay, hawshiisu waxay noqon doontaa inuu ka fogaado wadadii Ra’iisulwsaarihii isaga ka horreeyay.

Michel Barnier ayaa xafiiska ra’iisal wasaaraha Faransiiska hayey saddex bilood oo kaliya waxaana xilka ka qaaday mudanayaasha baarlamaanka sagaal maalmood ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here