Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay magaalada Laascaanood

0
156

Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool  ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoona soo dhaweyntan  ay  ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, maamulka khaatumo, iyo boqolaal shacab ah.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka.

Inta uu joogo magaalada Laascaanood ra’iisul Wasaaraha, Soomaaliya Xamse Cabdi Barre xariga ka jari doona mashariic horumarineed, halka kuwa kala uu dhagax dhigi doono.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

Audio Player

default

default

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here