Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha oo muhiimadda siinaya badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka ee ay lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991, ayaa magacaabay Guddi ka kooban 8 xubnood oo ka shaqeeya soo celinta hantida dowladda.
Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saney