Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, kaas oo xambaarsan rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca horumarka dalkeenna iyo dadkeenna.
Qorshahan ayaa diiradda saarayaa maalgelinta ilaha wax soo saarka, si aan u gaarno kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed oo micno leh, waxa kale oo uu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan